Monday, September 1, 2025

DF oo sheegtay in duqeyn ka dhacay Ceelbaraf lagu burburiyay gaadiidka qaraxyo oo AS ay diyaarisay.

War ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqayn ka dhacday gobolka Shabeellaha Dhexe lagu burburiyay gaadiid qaraxo lagusoo raray oo ay wateen maleeshiyaadka ย Al-Shabaab.

Duqayn ayaa ka dhacday deegaanno hoos taga degaanka Ceel Baraf ee Shabeellada dhexe, waxaana iska kaashaday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM.

Ciidamada Qalabka Sida oo kaashanaya AFRICOM ayaa weli wada qiimeynta natiijada hawlgalka iyo dabagalka bartilmaameedyada kooxda Alshabaab, si loo xaqiijiyo badqabka shacabka iyo adkaynta amniga deegaannada la xoreeyay.

Dowladdu waxay qoraalkaan ku sheegtay in aysan wax tanaasul ah ka geli doonin dagaalka ka dhanka ah waxay ugu yeertay kooxaha Khawaarijta ee caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan:-

Ciidamada Xoogga iyo kuwa ciidamada deegaanka ayaa maanta dib ula wareegay deegaanka Ceel Cali Axmed, oo maalmo ka hor ay qabsadeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidankaย  dowladda ka hor inta aysan qabsan deegaanka ayaa waxaa ka dhacday duqeymo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ay sheegayaan in duqeymahaas ay geysteen khasaare kale duwan oo soo gaaray Al-shabaab.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles