DF oo sheegtay in xalay G/Hiiran lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay diyaarado dagaal oo xalay duqeymo ka fuliyay deegaanka Goobo oo qiyaastii 10 kiiloomitir dhanka waqooyi kaga beegan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

War ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta xalay lagu dilay 42 maleeshiyaad oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka 12 kale lagu dhaawacay, kaddib markii la beegsaday goob ay isku uruursanayeen dagaalyahanno ka firxaday dagaallo hore uga dhacay deegaannada Sullaay iyo Waab-weyn.

Wasaaraddu waxay sheegtay in duqeymaha lagu burburiyay gaari nooca ciidanka ah, fariisimo iyo difaacyo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka sameysteen deegaanka Goobo.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, howlgalka waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ee taageera la-dagaallanka Al-Shabaab, iyadoo lagu tilmaamay inuu qayb ka yahay howlgalada lagu baacsanayo maleeshiyaadka kooxda ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalada socda ay si weyn u wiiqeen awoodda Al-Shabaab, isla markaana kooxda ay bilihii la soo dhaafay la kulmeysay khasaare isugu jira dagaalyahanno iyo horjoogayaal lagu dilay howlgallo ka dhacay gobollo kala duwan.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Macawiisleyda ee ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo caddeysay in ay sii socon doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo kooxda ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles