DFS oo hakisay waxbarashada sabab la xiriirta doorashooyinka

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in laga bilaabo berri si ku-meel-gaar ah loo xirayo dhammaan goobaha waxbarashada ee ku yaalla Gobolka Banaadir.

Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in tallaabadan ay la xiriirto diyaar-garowga doorashada goleyaasha deegaan ee dhowaan ka dhici doonta magaalada Muqdisho, taas oo loo asteeyay 25-ka bishan Diseembar 2025.

Wasaaraddu waxay sheegtay in xiritaanka uu saameyn doono dhammaan xarumaha waxbarashada, oo ay ku jiraan dugsiyada, machadyada iyo jaamacadaha, si goobahaasi loogu adeegsado hawlaha doorashooyinka iyo abaabulkooda.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa farriin u dirtay mas’uuliyiinta goobaha waxbarashada ee loo asteeyay doorashada, iyadoo ka codsatay inay si dhow ula shaqeeyaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, si ay u fududeeyaan habsami u socodka doorashada.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Waxbarashada ayaa xustay in maalmaha la hakiyay waxbarashadu lagu dari doono kalandarka sannad-dugsiyeedka 2025–2026, si ardaydu u helaan xuquuqdooda waxbarasho ee buuxda.

Go’aankan ayaa imanaya xilli magaalada Muqdisho ay ku jirto diyaar-garow ballaaran oo ku aaddan qabashada doorashada goleyaasha deegaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada oo ka hadlay amniga iyo la-dagaallanka Alshabaab

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Xiriirka kubada cagta Yurub oo wada dacwad ka dhana madaxweynaha FIFA

Xiriirka u dhexeeya madaxweynaha UEFA, Aleksander Čeferin (bidix), iyo...

Booliska Nepal oo shaaciyey dhimasho hor leh

Booliska Nepal oo shaaciyey dhimasho hor leh Tirada dadka...

IMO oo ka digtay soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliya

Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa ku baaqday...

Al-Shabaab oo sii daysay 5 xoolo-dhaqato Kenyan ah oo laga afduubtay Mandera

Shan xoolo-dhaqato ah oo Kenyan ah, kuwaas oo la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles