Tuesday, March 3, 2026

DFS oo shaacisay in dhawaan Al-shabaab laga saari doono degmooyin Muhiim

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ku jiraan diyaargarow iyo abaabul sare oo ka dhan ah kooxaha Al-shabaab.

“Maalmaha soo socda shacabka Soomaaliyeed waxa ay maqli doonaan war ay ku farxaan oo ah in deegaano iyo degmooyin muhiim ah laga saari doono cadowga argagixisada”sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Ciidanka Xoogga.

Afhayeenka oo sii wata hadaladiisa ayaa tilmaamay in dadaalada ugu badan ee loogu diyaargaroobayo kooxaha Al-shabaab ay ka socdaan gobolada Sh/Hoose,Sh/Dhexe iyo Galgaduud.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa codsaday in shacabka ku dhaqan gobolada dalka ay ka qeybqaataan howlgallada cusub ee la doonayo in lagu qaado deegaanada fara-ku-tiriska ah ee ay ka joogaan kooxaha Al-shabaab.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles