Diyaarado dagaal ayaa waxaa ay duqeymo ka fuliyeen saldhigyo ay maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku leeyigiin Magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal duqeyn qorshaysan ka fuliyay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Horjoogayaasha la toogtay waxaa ka mid ah Cabdi Xiiray, oo ka tirsanaa saraakiisha sare ee Al-Shabaab, islamarkaana abaabulay weerarro iyo dhagaro badan oo lagu beegsaday shacabka iyo ciidamada ku sugan deegaannada Hirshabeelle.
Dowladda Soomaaliya ma soo bandhigay Sawirada Horjoogayaasha ka tirsanaa Al-shabaab ee lagu dilay duqeynta.
Howlgalkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah wiiqista awoodda Al-Shabaab ee gobolka, iyadoo saraakiisha amnigu sheegeen in ay sii wadi doonaan qorshayaasha ka dhanka ah kooxdan si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.


