Thursday, April 9, 2026

DFS oo sheegtay in duqeyn ka dhacday Mudug lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn ka dhacday gobolka Mudug, gaar ahaan nawaaxiga Tawarmooge oo u dhow deegaannada Caad iyo Xarardheere.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ay fuliyeen hawlgal cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka argagixisada, xilli ay isku uruursanayeen goob lagu tuhunsanaa inay ku qorsheynayeen weerarro.

Duqeynta ayaa la sheegay in lagu dilay ku dhowaad 70 maleeshiyaad ah oo ay ku jiraan horjoogayaal, halka 90 ilaa 95 kale lagu dhaawacay. Sidoo kale, waxaa la burburiyay 8 gaadiid dagaal oo ay kooxdaasi lahayd, oo ay ku jireen kuwa sahayda qaada.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa caddeysay in hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ay si joogto ah u socdaan, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka ay ka go’an tahay sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebaha magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Xasan Sheekh, Xamsa iyo Qoor Qoor oo ka shiray doorashada Galmudug

Kulan xasaasi ah ayaa ka dhacay Villa Soomaaliya, kaas...

Askari ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug...

Raysal wasaaraha UK oo ka degay Imaaraadka

Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta,...

Wefdiga Iiraan oo maanta tegaya Pakistan

Safiirka Iiraan u fadhiya Pakistan, Reza Amiri-Moghaddam, ayaa Khamiista...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles