Dhulgariir cabbirkiisu ahaa 5.6 ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Suways (Suez) ee dalka Masar.
Xarunta Cilmi-baarista Juqraafiga ee Jarmalka (GFZ) ayaa sheegtay, in dhulgariirku jaray ilaa 10 kiiloomitir.
Machadku wuxuu sheegay inuusan helin wax warbixin ah oo ku saabsan dhimasho, dhaawac, ama waxyeello hantiyeed.
Suxufiyiinta ku sugan caasimadda Masar ee Qaahira, ayaa sheegay inay dareemeen dhulgariirka
Ilaa hadda, lama soo sheegin wax khasaare hanti ah ama dhimasho iyo dhaawac ahba.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee Masar ayaa sheegtay, inay hawlgelisay qorshaheeda gurmadka degdegga ah ee gobolladii laga dareemay dhulgariirka.
Waxay shacabka ugu baaqday inay ka fogaadaan dhismayaasha laga dareemayo calaamado muujinaya inay waxyeello soo gaartay, isla markaana ay la socdaan wararka iyo tilmaamaha rasmiga ah iyadoo mas’uuliyiintu ay weli qiimeynayaan xaaladda.


