Tuesday, March 3, 2026

Diiwaan gelinta doorashada Guddoonka Baarlamaanka Waqooyi Bari oo maanta bilaabanaysa

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa maanta si rasmi ah looga bilaabay qabashada codsiyada musharraxiinta iyo diiwaangelinta doorashada guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Habraaca diiwaangelinta musharraxiinta ayaa socon doona ilaa Jimcaha, 22 Agoosto, halka doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen lagu wado inay qabsoonto Sabtida, 23 Agoosto 2025.

Musharraxiinta ku tartamaya xilka guddoonka Baarlamaanka ayaa soo bandhigi doono barnaamijyadooda siyaasadeed iyo waxqabad, kuwaas oo ay ku doodayaan inay horseedi doonaan isbeddel, hufnaan iyo cadaalad.

Waxaa musharraxiinta ka mid ah:

Xildhibaan Abdiqafar Mohamud Mohamed (Dheeliye)

Xildhibaan Dr. Aden Abdullahi Aw Hassan

Xildhibaan Cabdisahal Jaamac Maxamed

Doorashada guddoonka Baarlamaanka maamulka cusub ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah dhismaha hay’adaha sharci-dejinta ee Waqooyi Bari, isla markaana go’aamin doonta jihada siyaasadeed ee maamulka cusub.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles