Monday, April 6, 2026

Dood culus oo ka taagan goobta lagu qabanayo shirka DF iyo Golaha Mustaqbalka

Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa xalay magaalada Muqdisho ka bilaabay kulamo siyaasadeed oo ay la yeesheen xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo haatan ku sugan caasimadda.

Kulamadan ayaa imanaya xilli la filayo in Khamiista uu furmo shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, haddii uusan wax isbeddel ah ku iman qorshaha shirka.

Wadatashiyo xoogan ayaa haatan socda, gaar ahaan kuwa la xiriira goobta rasmiga ah ee shirka lagu qaban doono.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkaysanaysa in shirka lagu qabto xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, halka dhinacyada Mucaaradka ay ku doodayaan in shirka lagu qabto xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Dooddan ayaa ah qodobka ugu weyn ee haatan la isku mari la’yahay, iyadoo go’aanka kama dambaysta ah la filayo in lagu dhawaaqo saacadaha soo socda.

Dhanka kale, maanta ayaa la sugayaa inuu magaalada Muqdisho soo gaaro Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kaasi oo door muuqda ku leh wada-hadallada iyo dadaallada lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee taagan.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa qorsheynaya inuu kulan la yeesho xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kulankaasi oo lagu wado in looga hadlo arrimo la xiriira geeddi-socodka dowladnimada, khilaafaadka siyaasadeed iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta siyaasadeed.

Kulankan xildhibaanada ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco mid ka mid ah hoteellada ku yaalla gudaha Garoonka Aadan Cadde, iyadoo ujeedkiisu yahay in la abuuro is-afgarad siyaasadeed oo horseeda go’aanno mideysan oo ku saabsan mustaqbalka dalka.

Waxaa la sugayaa tallaabooyinka ay qaadi doonaan labada dhinac, iyadoo indhaha lagu hayo natiijada kulamadan iyo go’aamada ka soo baxa shirka la filayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan la Qaatay Gogaanka Guud Ee Dhaqanka Koofur galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Lafta gareen

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah...

Olole iyo kulamo siyaasadeed oo xoogan oo ka socda Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa haatan noqotay...

Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo qeylo dhaan u diray Beesha Caalamka

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles