Saturday, July 4, 2026

Jubbaland oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Jamaame

Maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Maanbile, oo ku yaalla jiinka Wabiga Jubba, duleedka degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu laayay xubno badan oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Jubbaland, ciidamada Jubbaland oo kaashanaya Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab iyo Ciidamada Nabad-Sugidda Jubbaland ayaa fuliyay weerar qorshaysan oo lagu beegsaday fariisimo iyo godad ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka qoteen jiinka wabiga.

Dagaalka oo socday ku dhowaad afar saacadood ayaa ku billowday weerar toos ah oo ay ciidamadu ku qaadeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka. Intii uu socday dagaalka, Al-Shabaab ayaa la sheegay inay sameeyeen iska-caabin xooggan, balse ciidamada huwanta ah ayaa ugu dambeyn gudaha u galay godadkii ay ku jireen.

War-saxaafadeedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay illaa 70 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in duqeymo cirka ah ay kaalin muuqata ka qaateen jabinta maleeshiyaadka.

Maamulka Jubbaland ayaa ku tilmaamay howlgalka mid guul ah oo muujinaya iskaashi dhab ah oo u dhexeeya Ciidamada Jubbaland, Kumaandooska Danab iyo hay’adaha amniga, iyagoo ballanqaaday sii wadista howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.  

WARARKII KALE

Xildhibaannada laga soo doortay Puntland oo DFS ku eedeeyay burburinta nidaamka federaalka

Xildhibaannada iyo Senatorrada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Daladda Bulshada Rayidka oo soo dhaweysay dadaallada lagu xoojinayo wadahadallada siyaasadeed ee Soomaaliya

Daladda Bulshada Rayidka ee Soomaaliya ee SONSA ayaa soo...

Farmaajo oo dalka ugu soo laabtay kana qeyb galaya wajiga koowaad ee wadahadallada doorashooyinka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta...

Wafuud kala duwan oo ku wajahan Baydhabo xilli la qabanayo caleema-saarka Aadan Madoobe

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ku wajahan...

Duqeyn ka dhacday Masaajid Cali Gaduud

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday dhul howd ah...

DFS oo si adag u cambaareysay weerar argagixiso oo ka dhacay Suuriya

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar argagixiso...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles