Hadal-heyn iyo dood xooggan ayaa ka dhalatay hadal xalay ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo si toos ah uga hadlay mowqifka xildhibaanada Hawiye ee ku aaddan loollanka siyaasadeed ee dalka.
Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in xildhibaanada ka soo jeeda beesha Hawiye ay hore door muuqda uga qaateen mucaaradnimadii dowladdii hore, balse maanta aysan sidaas oo kale uga dhex muuqan mucaaradka jira. Madaxweyne Deni ayaa hadalkiisa ku yiri: “Xildhibaanada Hawiye shalay golaha mucaaradnimadii Madaxweyne Farmaajo way buuxiyeen, maantana middii Madaxweyne Xasan Sheekh way cidleeyeen.”
Hadalkaas ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, wuxuuna kiciyay falcelinno kala duwan.
Senator Laylo Nuur Maax ayaa si degdeg ah uga jawaabtay hadalka Madaxweynaha Puntland, iyadoo tiri: “Madaxweyne, way soo socdaan Xildhibaanadii Hawiye balse dhulalkii bay habeynayaan.” Jawaabteeda ayaa loo fasirtay mid muujinaysa in xildhibaanadu ay ku mashquulsan yihiin arrimo kale oo muhiim ah.
Sidoo kale, Xildhibaan Cagaweyne oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa isna ka falceliyay hadalka Deni, isagoo yiri: “Madaxweyne Deni waxaan leeyahay Xildhibaanadii Hawiye oday aan oday ka danbeyn ayaa u jooga Villa Soomaaliya, shalayna waa kusoo dhaweeyeen, inkamid ahna waa kula joogaan, waxayna mashquulsan yihiin doorasho xor ah iyo dhammaystirka dastuurka.”
Isdhaafsiga hadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli uu dalka ka taagan yahay muran siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, dhammaystirka dastuurka iyo wadatashiyada u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.
Hadallada noocan ah ayaa muujinayaan jawiga siyaasadeed uu haatan ku jiro dalka isla markaana ay sii xoojin karaan kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya hoggaamiyeyaasha siyaasadda dalka.
Doodda ka dhalatay hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa weli ka socota baraha bulshada iyo fagaarayaasha siyaasadda.


