Ismari waa weli ka taagan qabsoomida Shirka

Waxaa weli ismari-waa xooggan uu ka taagan yahay goobta lagu qabanayo shirka la filayo inuu dhex maro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyadoo qodobka goobta uu noqday arrinta ugu weyn ee dooda ka taagan tahay.

Xalay ayay xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, iyagoo ka arrinsanayay tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan haddii uu shirka furmi waayo, islamarkaana ku adkeystay in kulanka lagu qabto xerada Xalane.

Golaha ayaa maanta mar kale ku ballamay inay sii wadaan kulamadooda iyo wada-tashiyadooda ku aaddan mowqifkooda siyaasadeed.

Shirka la qorsheynayo inuu ka furmo Muqdisho ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo muran siyaasadeed oo ku saabsan dhammaystirka dastuurka, hannaanka iyo waqtiga doorashooyinka, iyo go’aanno siyaasadeed oo dhaliyay dood iyo kala aragti duwanaansho.

Jahwareer xooggan ayaa ka taagan qabsoomida shirka, xilli uu taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles