Ismari waa weli ka taagan qabsoomida Shirka

Waxaa weli ismari-waa xooggan uu ka taagan yahay goobta lagu qabanayo shirka la filayo inuu dhex maro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyadoo qodobka goobta uu noqday arrinta ugu weyn ee dooda ka taagan tahay.

Xalay ayay xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, iyagoo ka arrinsanayay tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan haddii uu shirka furmi waayo, islamarkaana ku adkeystay in kulanka lagu qabto xerada Xalane.

Golaha ayaa maanta mar kale ku ballamay inay sii wadaan kulamadooda iyo wada-tashiyadooda ku aaddan mowqifkooda siyaasadeed.

Shirka la qorsheynayo inuu ka furmo Muqdisho ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo muran siyaasadeed oo ku saabsan dhammaystirka dastuurka, hannaanka iyo waqtiga doorashooyinka, iyo go’aanno siyaasadeed oo dhaliyay dood iyo kala aragti duwanaansho.

Jahwareer xooggan ayaa ka taagan qabsoomida shirka, xilli uu taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles