Waxaa magaalada Muqdisho ka bilaabatay doorashada Golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir, iyadoo Shacabka Muqdisho ay u dareereen goobaha codka bixinta doorashada, kuwaasi oo loo asteeyay 16 degmo oo ku yaala G/Banaadir.
Doorashada ayaa waxaa ka qeyb galaya 20 urur Siyaasadeed, waxaana lagu soo dooran doonaa 390 Kursi oo ah Golaha deegaanka G/Banaadir.
Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo wadooyinka ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka, waxaana sidoo kale xiran garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa geysay duleedka Magaalada Muqdisho, si loo sugo doorashada maanta ka socota Magaalada Muqdisho.
Doorashada golayaasha deegaanka ee Muqdisho waxaa dadka qaar u arkaan tallaabo muhiim ah oo ka mid ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya ee xilligan.
Waxaa doorashadan ka qeyb galaya sida ay guddiga doorashada sheegeen 1604 musharax.
Doorashadaan ayaa noqoneysa middii ugu horeysay oo ay dadweynaha ay codkooda dhiibtaan.
Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho waxa ay fureysaa baal cusub oo dhanka doorashada ah kadib muddo, wadanka lagu maamulayey doorasho aan toos ahayn, taas oo la dooranayey kaliya golaha sharci dejiyeyaasha, kuwaas oo iyagana soo dooranayey madaxweynaha.
Doorashadan ma ahan mid si toos ah qof loo dooranayo ee waa doorasho loo codeynayo xisbiyo. Sida guddiga doorashadu sheegeen dadka codeynaya ayaa kala dooranaya xisbiyo iyo ururo siyaasadeed oo gaaraya ilaa iyo 20 urur.
Doorashada waxaa xusid mudan in ay qaadaceen qaar ka mid ah mucaaradka gaar ahaan Madasha mucaaradka Samatixinta Soomaaliyeed.


