Saturday, March 14, 2026

Zelensky ayaa ka hadlay qorshaha nabadda ee dagaalka Ukraine

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa daboolka ka qaaday faahfaahinta heshiis qabyo ah oo lagu dhameynayo dagaalka Ukraine kaas oo Mareykanka lagala xaajooday iyadoo hadda Moscow ay dib u eegsi ku sameyneyso.

Dokomentiga ka kooban 20-ka qodob waxaa ku jira in Mareykanka, NATO iyo Yurub ay damaanad qadayaan ammaanka Ukraine.

Zelensky ayaa sheegay in aan weli la xalin su’aasha ku saabsan dhulka. Wuxuu muujiyay in uu diyaar u yahay in la sameeyo dhul militeriga ka caagan oo ay kormeeraan nabad ilaaliyayaal.

Mr Zelensky wuxuu sheegay in dhammaan dhinacyada ay ku dhow yihiin gabogabeyta dokomentiyada heshiiska. Mosocw ilaa hadda waxay muujisay in aysan diyaar u aheyn xeer-jajab.

Ruushka waxay ku adkeysanayaan in Ukraine ay dib ugu baxdo ugu yaraan rubuc dhulkeeda bariga gobolka Donetsk si ay nabad ugu badalato. Inta kale ee dhulka waxaa hore u haystay Ruushka.

Qodobada kale ee heshiiska waxaa ku jira in Ukraine ay doorasho qabato kaddib marka heshiiska la saxiixo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkey oo 4 markab dagaal u soo diraysa xeebaha Somalia

Dowladda Turkey ayaa ku dhawaaqday inay afar markab oo...

Buundada Sabiid iyo Caanoole oo maanta duntay

Buundada ku taalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka...

DFS oo ka digtay saldhig militari oo Israa’iil ka dhisan karto Berbera

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in dhulka dalka...

Trump oo ka hadlay xaalada hoggaamiyaha cusub ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub...

Jaamacada Carabta oo soo dhaweysay Ansixinta Dastuurka

Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles