Thursday, April 9, 2026

Dowladda Federaalka oo ka fiirsanaysa in ay jawaabto go’aannadii ka soo baxay Shirka Kismaayo

Kadib go’aannadii ka soo baxay Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ka dhacay magaalada Kismaayo, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshe ay kaga jawaabayso natiijooyinka shirkaas, oo ay si weyn u diidan tahay.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in kulan gaar ah ay yeesheen xubno ka tirsan Xisbiga JSP, kaas oo diiradda lagu saaray sidii looga falcelin lahaa culeyska siyaasadeed ee ka dhashay Shirka Kismaayo iyo go’aannadii ka soo baxay.

Kulankaas ayaa sidoo kale looga hadlay doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Caasimadda, kuwaas oo loo balansan yahay 25-ka bishan Diseembar, islamarkaana ay ka baxeen qaar ka mid ah asxaab siyaasadeed oo la filayay inay ka qeybgalaan.

Dhanka kale, mucaaradka ayaa xalay si rasmi ah u shaaciyay in ay dhisi doonaan dowlad kale, haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan muddo bil gudaheed ah furin wadahadallo siyaasadeed oo lagu xallinayo khilaafka doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka.

Arrinta doorashada iyo wax-ka-beddelka lagu sameeyay Dastuurka KMG ah ayaa abuurtay jahwareer siyaasadeed oo xooggan, iyadoo ay jirto kala aragti duwanaansho ballaaran oo u dhaxeysa dowladda iyo mucaaradka, iyo sidoo kale qaar ka mid ah maamul goboleedyada.

Ilaa iyo hadda lama oga in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbali doono dalabka mucaaradka ee ah in la qabto doorasho lagu wada heshiiyo, ama inuu furo wadahadal rasmi ah oo lagu wajaho tabashooyinka taagan.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabada xigta ee ay qaadi doonto Dowladda Federaalka, iyo sida ay uga jawaabi doonto hanjabaadaha mucaaradka ee la xiriira dhismaha dowlad kale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in duqeyn ka dhacday Mudug lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn ka...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebaha magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Xasan Sheekh, Xamsa iyo Qoor Qoor oo ka shiray doorashada Galmudug

Kulan xasaasi ah ayaa ka dhacay Villa Soomaaliya, kaas...

Askari ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug...

Raysal wasaaraha UK oo ka degay Imaaraadka

Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles