Saturday, April 11, 2026

Dowladda isku-tagga Imaaraadka Carabta oo Muqdisho ka furtay xarunta bixinta dal ku galka (Visa)

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Muqdisho ka furtay xarun cusub oo loogu tala galay in loogu adeego bulshada Soomaaliyeed ee dooneysa in ay helaan fiisaha ama dal ku galka dalka Imaaraadka Carabta.

Danjiraha dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya Axmed Jumca Rumeythi ayaa maanta furay xarunta bixinta dal ku galka, taas wixii maanta ka dambeeya muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ka qaadan doonaan fiisaha.

Waxa uu sheegay danjiraha dowladda Imaaraadka in furitaanka xaruntan ay kamid ka tahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, waxa uuna sheegay in xaruntan loogu tala galay fududeynta helitaanka fiisaha ee u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Xaruntan Imaaraadka Carabta ka furay magaalada Muqdisho oo u shaqeyn doonta sida qunsuliyad, ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee dowladda Imaaraadka Carabta ka furtaan magaalada Muqdisho 34 sanno kaddib

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka Tamarta Turkiga oo yimid Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada...

Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeray doorashada madaxtinimada

Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta oo Jimce ah si...

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay magafe Soomaali ah oo dadka Tahriibiyay

Booliiska Itoobiya ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu udub...

Tahriibiyaal ku geeriyooday Faransiiska

Ugu yaraan 4 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles