Monday, September 1, 2025

Dowladda Mareykanka oo ka hortimid qodobadii ka soo baxay shirkii gDowladda Mareykanka oo ka hortimid qodobadii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga Qarankaolaha wadatashiga Qaranka

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, isagoo si gaar ah digniin ugu diray madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada. Digniintan ayaa timid kadib markii laga soo saaray war-murtiyeedkii shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee dhowaan lagu qabtay Muqdisho, iyadoo aysan ka qeyb gelin madaxda Jubaland iyo Puntland.

War kooban oo lagu baahiyay barta X (horey loogu yiqiin Twitter), ayuu masโ€™uulka Maraykanku ku sheegay in Mareykanku uu si dhow ula socdo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana uu walaac xoogan ka qabo dadaallada is uruursiga awoodda iyo isbeddellada siyaasadeed ee lagu wado in lagu sameeyo nidaamka Federaalka iyo habraacyada doorashooyinka dalka.

โ€œDhammaan daneeyayaasha iyo saamileyda ay khuseeyso waa in ay ka qeyb galaan goโ€™aamada muhiimka ah ee ku saabsan isbeddelka nidaamka Federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya. Haddii goโ€™aamo laga gaaro arrimahaas iyadoo aan la helin taageero ballaaran, waxay noqon doonaan kuwo aan sharciyad buuxda laheyn waxayna carqaladeyn doonaan dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amni ee jira,โ€ ayuu yiri masโ€™uulka Maraykanka ah.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay waddo qorsheyaal ballaaran oo lagu beddelayo qaab-dhismeedka dowladnimada federaalka iyo qaabka doorashooyinka loo wajahayo mustaqbalka dhow. Qorshayaashan ayaa waxaa si cad uga hor yimid dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Puntland, oo aan ka qeyb gelin shirka wadatashiga qaran, iyagoo sheegay in aan lagu darin wada-tashiyo dhab ah.

Sidoo kale, mucaaradka iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa dhankooda walaac ka muujiyay sida ay wax u socdaan, iyagoo ka digaya in isbeddellada siyaasadeed lagu gaaro si aan loo helin wadatashi qaran oo dhab ah ay keeni karto khilaaf hor leh, isla markaana ay sii adkeyn karto xasilloonida dalka.

Beesha caalamka ayaa horey ugu baaqday dowladda Soomaaliya in la gaaro is afgarad guud oo laga yeesho arrimaha doorashooyinka, dib-u-habeynta nidaamka Federaalka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Baaqa Maraykanka ayaa noqonaya mid ka mid ah fariimaha ugu cadcad ee beesha caalamka ugu dirto madaxda Soomaaliyeed tan iyo markii uu bilaabmay marxaladda cusub ee isbeddelka siyaasadeed ee dalka.

Digniintan cusub waxay xoojinaysaa cadaadiska saaran madaxda Soomaaliyeed si ay u dhisaan hannaan loo dhan yahay oo lagu hago mustaqbalka dalka, iyadoo la tixgelinayo rabitaanka shacabka, sharciga iyo wadajirka dowlad-goboleedyada.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles