Thursday, April 23, 2026

Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay 174 Dhalinyaro Tahriibayaal ah

Wasiir Ku-xigeenka Wasaraadda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa maanta Garoonka Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay 174 dhalinyaro Soomaali ah oo laga soo celiyay dalka Liibiya, kuwaas oo soo maray xaalado adag oo dhinaca bani’aadantinimada iyo amniga ah, oo ay ka mid ahaayeen xabsi, jirdil, iyo nolol aad u liidata.

Dib u soo celintan Muwaadiniintaan waxaa hoggaaminayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyadoo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku caawinayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dibadda, isla markaana lagu yareynaayo dhibaatooyinka ay wajahaan.

Arinkaas ayaa waxa uu daba socodaa booqashadii uu Wasiirka Waraaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ku tagay Dalka Liibiya, taas oo gacan ka geysatay xoojinta iskaashiga dib loogu soo celinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed si ammaan ah.

Howlgalka waxaa fuliyay Waaxda Arrimaha Qurbajoogta, iyadoo lala kaashanayo hay’adda International Organization for Migration (IOM), Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyo Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya.

Markii ay yimaadeen Muqdisho, dadka la soo celiyay waxaa la siiyay gargaar degdeg ah oo ay ka mid yihiin daryeel caafimaad, hoy ku meel gaar ah, iyo taageero nafsiyeed, iyadoo sidoo kale la diyaarinayo barnaamijyo dib u dhexgal bulsho si ay noloshooda dib ugu bilaabaan.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyo wax ka qabashada sababaha keenaya tahriibka sharci darrada ah iyadoo la ballaarinayo fursadaha gudaha dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Dowladda Federaalka ah uma xirna Garoonka Dooloow”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre,...

Doorashada KGS oo qarka u saaran inuu dib u dhac ku yimaado

Doorashadii maamulka Koofur Galbeed (KGS) ee qorshuhu ahaa in...

Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerarrada Iiraan, kuna baaqday mowqif mideysan oo Carbeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay...

Puntland oo shaacisay dagaal ka dhan ah Kalluumeysiga Sharci darrada ah

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland ayaa ku dhawaaqday...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles