Dowladda Soomaaliya oo si adag u Cambaareysay Weerarradii lagu Beegsaday Sacuudiga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones-ka) ee lagu beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo ku tilmaantay falal halis ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ay ku tilmaantay dal walaal ah isla markaana saaxiib dhow la ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay walaaceeda ku aaddan badqabka dadka rayidka ah, waxayna mar kale xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo amniga, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa sheegtay in amniga Sacuudi Carabiya uu muhiim u yahay xasilloonida gobolka iyo ilaalinta xorriyadda isu socodka maraakiibta ee Badda Cas.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo diblomaasiyad, iyadoo adkeysay muhiimadda is-xakameynta si looga hortago sii hurinta xiisadaha, isla markaana ballanqaadday inay sii wadi doonto wada-shaqeynta ay la leedahay dalalka gobolka iyo beesha caalamka si loo xoojiyo nabadda iyo amniga gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamada Puntland oo xoog ku soo furtay markab ay haysteen kooxaha Burcadbadeeda

Ciidamada Difaaca Badda Dowladda Puntland, gaar ahaan Ciidamada Badda...

Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay amniga Badda Cas iyo xaaladda Soomaaliya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Eritrea ayaa kulan...

DFS oo si kulul uga falcelisay warqaddii Deni uu u diray Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay qoraal uu...

 Dowlad xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Iran oo dagaal kula jirta Mareykanka

Dowladda Colombia ayaa sheegtay in go’aanka ay ku saleysay...

Askar ka tirsan ciidanka saaran markabka USS Abraham Lincoln oo ku hanjabay inay isdilayaan

Sida uu sheegay ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda Mareykanka, siddeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles