Sunday, June 1, 2025

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay howlgalka ka dhanka ah Daacish iyo AS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay bogaadisay Ciidanka Daraawiishta Puntland ee hawlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ka wada gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland.

Dowladdu waxaa ay sidoo kale bogaadinaysaa doorka shacabka reer Puntland iyo garab istaagga ay u muujiyeeen ciidanka geesiyaasha ee ku jira hawlgalkaas lagu soo afjarayo kooxda argagaxisada ah.

Waxeey Dawladdu duco u diraysaa Shuhadada ku shahiiday hawlgalka iyo kuwa ku dhaawacmay, sidoo kale waxaa ay tacsi udiraysaa ehelada Shuhadadaas iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen iyaga oo u dagaalamaya difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta.

KooxHa Daacish iyo Shabaab, waa cadaw ay u simanyihiin dadka Soomaaliyeed waana in loo midoobo ciribtirkooda.

Dawladda Federaalka ah waxaa ka go’an in ay shacabka iyo maamulada dalka oo dhan ku dhiirigaliso kuna garab istaagto doorkooda ka xoraynta dalka ee kooxaha al shabaab iyo daacish ah.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 01/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Ukraine oo sheegtay in weerar aan hore loo arag ay ku qaadday gudaha Ruushka

Ukraine ayaa sheegtay in in ka badan 40 diyaaradaha...

MW Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay waqtiga la qaban doono Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Shirka Golaha Wasiirrada oo Lagu Lafaguray Amniga iyo Xasilinta Dalka

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Taliyaha NISA oo markale loo magacaabay Mahad Salaad

Golaha Wasiirrada Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir...

Diyaarado dagaal oo xalay duqeyn ka fuliyay saldhigyo Daacish ay ku leeyihiin Gobolka Bari

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada Mareykanka ayaa xalay duqeyn culus...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles