Sunday, December 28, 2025

Dowladda Syria oo cambaareysay Aqoonsiga dhex-maray Israa’iil iyo Somaliland

Dowladda Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya ayaa si kulul u cambaareysay kuna gacan sayrtay aqoonsiga dhex maray Israa’iil iyo Somaliland, iyadoo mar kale xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee midnimada, madax-bannaanida iyo dhuleednimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Suuriya soo saartay, oo taariikhdiisu tahay 27-ka Diseembar 2025, ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana ay si toos ah u dhaawacayso madax-bannaanida iyo midnimada qaran ee Soomaaliya.

Bayaanka ayaa caddeeyay in tallaabooyinka noocan ah aysan lahayn wax sharciyad ah, isla markaana aysan dhalin karin wax saameyn sharci ah, maadaama ay ku dhisan yihiin ku tumashada mabaa’diida aasaasiga ah ee xiriirka dowladaha iyo ixtiraamka xuduudaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay.

Suuriya waxay sidoo kale ka digtay isku day kasta oo lagu abuurayo hay’ado ama maamullo gooni-goosad ah ama lagu taageerayo mashruucyo kala qaybin ah, iyadoo ku tilmaantay arrintaas mid halis weyn ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana leh cawaaqib siyaasadeed iyo amni oo khatar ku ah dalalka iyo shucuubta ku dhaqan Geeska Afrika.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa mar kale carrabka ku adkaysay mowqifkeeda aan is bedelin ee ah taageerada buuxda ee midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo ixtiraamka madax-bannaanideeda, iyadoo si cad u diidday tallaabo kasta oo lagu doonayo in lagu wiiqo ama lagu kala jaro midnimada dhuleed ee dowladaha madaxbannaan.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo si adag ugu horyimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad...

Baarlamaanka oo ansixiyay qaraar loogu hortagayo xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Senator Dubbe oo iska casilay kursiga xubinimo ee Aqal sare

Senator Cismaan Abukor Dubbe oo ka tirsanaa Aqalka Sare...

Mucaaradka oo war ka soo saaray kulankii ay la qaateen MW Xasan Sheekh

Madasha smata-bixinta ayaa wrasaxaadaeeed ka soo saartay kulan ay...

MW Xasan Sheekh oo maanta hortagaya Xildhibaanada labada Aqal ee BFS

Madaxweynaha Dowladda  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay...

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Haashimi ee Urdun, Jamhuuriyadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles