Madaxweynaha Soomaaliya oo Wada-tashiyo Qaran la yeeshay Madaxdii hore iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira wada-tashiyo qaran oo lagu xoojinayo difaaca midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dalka, ayaa kulan ballaaran la yeeshay Madax hore oo heer qaran ah iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira ilaalinta qaranimada, midnimada dhuleed iyo ka jawaabista duulaanka qaawan ee Israa’iil ku soo qaaday qarannimada dalka, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-tashi qaran iyo midnimo siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka ay Madaxda hore ee dalka iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ku leeyihiin talo-siinta qaranka, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka ay tahay mas’uuliyad wadareed ka sarraysa kala duwanaanshaha siyaasadeed, waajibna ka dhigaysa in la mideeyo cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi, Culimada Soomaaliyeed, iyadoo kulamadaas ay barbar socdeen xiriiro khadka taleefanka ah oo Madaxweynuhu la sameeyay Madaxda dalalka Gobolka, kuwa Caalamka iyo Ururuada Caalamiga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles