Wednesday, October 22, 2025

Duqa muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda UNOPS ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen dardargelinta mashaariicda dib-u-dhiska waddooyinka caasimadda iyo hirgelinta biyo-mareenno tayo leh, si xal waara loogu helo daadadka, biyo-fadhiisiga iyo caqabadaha ka jira waddooyinka.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qeybgaleen shirkadaha ka shaqeeya dhismaha kaabayaasha, ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta, si loo xaqiijiyo guul ka timaadda dhismaha waddooyinka iyo biyo-mareennada, maadaama caqabadahaasi yihiin kuwa ugu weyn ee haysta bulshada caasimadda.

Madaxa UNOPS ee Soomaaliya, Mudane Ala’s Namer, ayaa tilmaamay in hawlgalkoodu uu san ku ekeyn dhismaha kaliya, balse ay xooga saarayaan gudbinta karaanka iyo aqoonta dhanka dhismaha kaabayaasha, si loo helo khubaro Soomaaliyeed oo ku filan hirgelinta iyo maaraynta kaabayaasha dalka.

WARARKII KALE

Fadhigii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka dad shacab ah ku dilay...

Al-shabaab oo xalay dagaal ku qaaday Xudur iyo xubno lagu dilay dagaalka

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku...

Dibadbaxayaal weeraray booliiska dalka Ireland

Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray qaar ka mid ah hay’adaha dowladda

R’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles