Dilka Askari Ka Tirsanaa Booliiska Puntland oo Ka Dhacay Gaalkacyo

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca waqooyi, lagu dilay Xidigle Axmed Cali Ciise (Dulyare), oo ka mid ahaa ciidamadii cusub ee Booliiska ee dhawaan lagu soo kordhiyay gobolka Mudug.

Dad goob-joogayaal ah ayaa xaqiijiyay in dilka uu geystay askari kale, hase yeeshee baaritaanno dheeraad ah ayaa weli socda si loo ogaado sababta dhabta ah ee ka dambeysay falkaas.

Hay’adaha amniga ayaa sheegay in askariga falka geystay uu hadda ku jiro gacanta ciidamada ammaanka, isla markaana sharciga loo horgeyn doono marka baaritaanku dhamaado.

Axmed Kheyr, oo ahaa askari ka mid ah kuwa dhawaan lagu soo kordhiyay Ciidanka Booliiska Puntland ee Gaalkacyo, ayaa la sheegay inuu ahaa mid ka shaqeynayay sugidda ammaanka iyo kala dambeynta magaalada.

Dilkan ayaa ku soo beegmaya xilli dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo ammaanka Gaalkacyo ay socdaan, iyadoo ciidamada ammaanku ay kordhiyeen howlgalada ka hortagga falalka amni-darrada ah.

Maamulka Puntland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin falka dilka ah ee loo geystay Marxuumka.

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles