Saturday, March 14, 2026

Duqeyn ka dhacday Hiiraan iyo Mudug oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo laga fuliyay gobollada Hiiraan iyo Mudug lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al‑Shabaab.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay beegsadeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku howlanaa abaabulka falal lid ku ah amniga shacabka Soomaaliyeed, waxaana howlgalka lagu dilay in ka badan 22 xubnood.

Howlgalka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab. Weerarkaasi waxaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo ay ku jireen horjoogayaal kala ah Xudeyfa Galinle, Qataatow, Cabdiraxmaan Garwayne, Daahir iyo Cabdiwali.

Sidoo kale howlgal kale oo ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa lagu beegsaday labo guri oo ay ku sugnaayeen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ilaalo u ahaa Mustaf Caato oo lagu tilmaamay horjoogaha maleeshiyaadka ee gobolka Hiiraan. Howlgalkan ayaa lagu dilay toddobo xubnood oo ay ku jireen laba horjooge oo muhiim u ahaa maaliyadda kooxda, kuwaas oo kala ahaa Qaliif Muumin Sabriya iyo Cismaan Cabdulle Faarax, waxaana sidoo kale lagu burburiyay gaadiid ay isticmaalayeen.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in ay sii dardargelin doonto howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab si looga sifeeyo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay askari ka tirsanaa NISA

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa fulisay xukunka dilka toogashada...

Ciidamo ka soo horjeeda Lafta Gareen oo dagaal kula wareegay Qansax-dheere

Dagaal xooggan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada...

Soomaaliya oo garab u muujisay Qatar kadib markii la weeraray

Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka...

Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo hakiyay dhoofinta shidaalka Khaliijka

Dagaalka u dhexeeya Iran iyo isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil...

Imaaraadka Carabta oo xirtay dad lagu eedeeyay inay duubeen weerarada Iran

Imaaraadka Carabta ayaa amar ku bixisay in la xiro...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles