Turkey oo 4 markab dagaal u soo diraysa xeebaha Somalia

Dowladda Turkey ayaa ku dhawaaqday inay afar markab oo milatari u soo dirayso biyaha Somalia si ay uga qeyb qaataan ilaalinta amniga badda iyo ka hortagga xadgudubyada ka dhici kara xeebaha dalka.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, Admiral Zeki Aktürk, ayaa sheegay in maraakiibta la kala yiraahdo TCG Göksu, TCG Bayraktar, TCG Bartın iyo TCG Yzb. Güngör Durmuş ay kusoo wajahan yihiin Soomaaliya 16-ka Maarso 2026, oo ku beegan Isniinta toddobaadka soo socda.

Howlgalkan ayaa la sheegay inuu muhiim u yahay sugidda amniga badda Soomaaliya, maadaama Turkigu horay u soo diray markab sahminaya shidaalka ee ka shaqeynaya ceelashii sahminta lagu sameeyay sannadkii 2024.

Saraakiil kala duwan iyo warbaahinta caalamiga ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay in maraakiibtan ay la shaqeyn doonaan ciidamo Soomaali ah, inkastoo aan la shaacin tiradooda, si ay uga qeyb qaataan howlgalka ay wadaan Ciidamada Badda Turkiga.

Soomaaliya waxaa horey ugu sugnaa ugu yaraan saddex markab oo dagaal iyo kuwo galbinaya markabka shidaalka qodaya, taas oo ka dhigan in Turkigu uu xeebaha Soomaaliya u soo diray in ka badan 10 markab oo isugu jira kuwa dagaal iyo kuwa ilaalin ah.

Marka maraakiibtan ay ku soo xirtaan magaalada Mogadishu ayaa la qorsheeyay inay u sii gudbaan dhanka Red Sea, halkaas oo ay ka sii wadi doonaan howlgalka ilaalinta biyaha Soomaaliya iyada oo la fulinayo heshiiska iskaashi ee dhinaca badda ee u dhexeeya labada dal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles