Duqeyn ka socda degmada Galcad ee G/Galgaduud

Diyaarad dagaal ayaa maanta waxaa ay duqeyn ka wadaan duleedka degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug, halkaasi oo la sheegay inay ku sugan yihiin  dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in duqeynta lagu beegsaday saldhig sida la tilmaamay ay joogeen xubno kamid ah Al-Shabaab, isla markaana waxaa duqeyntaasi ka dhacday duleedka degmada Galcad ka dhashay khasaaro kala duwan, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in goobaha kale ee la duqeeyay ay mid yihiin halka loo yaqaano Kaydka Degmada Galcad oo ah goob muhiim ah oo ay ku yaalaan ila biyo oo Durdur ah wiligoodna aanan gurin.

Sidoo kale waxaa ku yaala Kaydka biyaha ee dhamaan biyaha siiya Degmada, in kastoo waayahii dambe ay xero u aheed Maleeshiyaadka  Al-shabaab.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay duqeymaha ka socda degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya  in ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka ee macwiisleyda ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa howlgallo culus oo ka dhan ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa ay ka socdeen gobollada dhexe ee dalka, kuwaasi oo la doonayo Al-shabaab looga saaro meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles