Friday, April 10, 2026

Eritrea oo ka baxday IGAD xilli xiisadda kala dhexeysa Itoobiya sii kordhayso

Dowladda Eritrea ayaa sheegtay inay ka baxday xubinimadii Urur Goboleedka IGAD, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta.
Wasaaraddu waxay ka bixitaanka ururka ku xustay bayaan ay soo saartay 12-kii December, 2025.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Eritrea ay ka baxdo xubinnimada IGAD. Sannadkii 2007-dii ayay iska casishay xubinimadii ururka, iyadoo sabab looga dhigay inaysan buuxin karin rejadii ay ka filayeen dadka gobolka iyo Eritrea gaar ahaan.
Ka dib 16 sano, waxay mar kale dib u cusbooneysiisay xubinnimadeeda Waxay dib ugu soo laabatay xubinnimadeeda iyadoo rejaynaysa in ururku uu fuliyo dib u habeynta ay Eritrea rabto sida ay wasaaraddu sheegtay.
Wasaaradda warfaafinta ee Eritrea ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in aysan ilaalinayn danaha Eritrea, isla markaana ay ku fashilantay xaqiijinta xasilloonida iyo rabitaanka shacabka gobolka.
“IGAD waxa ay si xun u sii waday in ay dib uga dhacdo mas’uuliyadeeda iyo baahideeda,” ayaa lagu yidhi bayaanka
Waxa uu intaa ku daray in IGAD ay ku guuldareysatay in ay gaadho faa’iidooyin istiraatijiyadeed oo laga sugayo xubnaheeda si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo xoojinta xidhiidhka. Waxa uu sheegay in ay ku fashilantay in ay wax weyn ka tarto xasilloonida gobolka.
Eritrea ayaa dib u xasuusatay inay door muhiim ah ka ciyaartay xubnaha kale markii IGAD la xoojiyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in duqeyn ka dhacday Mudug lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn ka...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebaha magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Xasan Sheekh, Xamsa iyo Qoor Qoor oo ka shiray doorashada Galmudug

Kulan xasaasi ah ayaa ka dhacay Villa Soomaaliya, kaas...

Askari ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug...

Raysal wasaaraha UK oo ka degay Imaaraadka

Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles