Friday, December 26, 2025

Fahad Yaasiin oo fariin digniin u diray MW Cirro

Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee Ha’ayada Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa fariintan u direy Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Ciro.

“Mudane Madaxweyne, waxaad og tahay kurisga aad ku fadhido ku dhawaad 20 sano ayaad sugaysay. Alle baa ku gaarsiiyey. Xanta la sheegayo haddii ay run noqoto, waxaad dhaawacaysaa magacaaga iyo taariikhdaada, lamana hubo inaad ku gaarayso danta aad leedahay. Maamulka Somaliland ha usoo jiidin mahadho aan magaceeda ka harin qarniyaal.” Ayuu yiri Fahad Yaasiin oo qoraal soo dhigay barihiisa Bulshada.

Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray “Laga soo bilaabo Madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur ilaa Madaxweyne Muuse Biixi, tallaabo aysan ku dhaqaaqin adigu haku dhiiranin. Heshiiskii Muuse Biixi uu badda ugu saxiixay Itoobiya, wuxuu noqon doonaa i qarso, waana la ilaawi doonaa haddaad ku kacdo falka la sheegayo. Madaxweyne Cabdiraxmaan, fadlan, khaladkaan ha galin oo kun jeer ka fiirso.”

“Haddii aad Somaliland aqoonsi u rabto, cad quureed iyo magac xumo ha usoo jiidin dadkaaga iyo Muslimiinta oo idil, adigana magacaaga ha tirtirin. Tallaabada aan ka digayo ciddii la socota unbaa fahmaysa warkayga, laakiin qofkii aanan ogayn, sabab uma noqonayo inaan ka dhigo wax iska caadi ah.” Ayaa markale ku yiri qoraalkiisa.

WARARKII KALE

Turkiga, Masar iyo Jabuuti oo ka horyimid aqoonsiga Somaliland ay ka heshay Israa’iil

Turkiga, Masar iyo Jabuuti ayaa noqday dalalkii u horreeyay...

Israa’iil oo shaacisay inay aqoonsatay Somaliland

War ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay...

Dagaal culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan G/Shabeelada Dhexe

Dagaalka culus ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaanada...

Baarlamaanka Carabta oo taageeray doorashada ka dhacday Muqdisho

Guddoomiyuhu wuxuu doorashooyinkan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo...

AUSSOM oo war ka soo saartay doorashada Golaha deegaanka ee ka dhacday Muqdisho

Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM)...

Mareykanka oo Nigeria ku weeraray xubno ka tirsan Daacish

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles