Fahad Yaasiin oo fariin digniin u diray MW Cirro

Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee Ha’ayada Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa fariintan u direy Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Ciro.

“Mudane Madaxweyne, waxaad og tahay kurisga aad ku fadhido ku dhawaad 20 sano ayaad sugaysay. Alle baa ku gaarsiiyey. Xanta la sheegayo haddii ay run noqoto, waxaad dhaawacaysaa magacaaga iyo taariikhdaada, lamana hubo inaad ku gaarayso danta aad leedahay. Maamulka Somaliland ha usoo jiidin mahadho aan magaceeda ka harin qarniyaal.” Ayuu yiri Fahad Yaasiin oo qoraal soo dhigay barihiisa Bulshada.

Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray “Laga soo bilaabo Madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur ilaa Madaxweyne Muuse Biixi, tallaabo aysan ku dhaqaaqin adigu haku dhiiranin. Heshiiskii Muuse Biixi uu badda ugu saxiixay Itoobiya, wuxuu noqon doonaa i qarso, waana la ilaawi doonaa haddaad ku kacdo falka la sheegayo. Madaxweyne Cabdiraxmaan, fadlan, khaladkaan ha galin oo kun jeer ka fiirso.”

“Haddii aad Somaliland aqoonsi u rabto, cad quureed iyo magac xumo ha usoo jiidin dadkaaga iyo Muslimiinta oo idil, adigana magacaaga ha tirtirin. Tallaabada aan ka digayo ciddii la socota unbaa fahmaysa warkayga, laakiin qofkii aanan ogayn, sabab uma noqonayo inaan ka dhigo wax iska caadi ah.” Ayaa markale ku yiri qoraalkiisa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Shiinaha oo si caro leh uga jawaabay hadal ka soo yeeray saraakiil Maraykan ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa cambaareysay madaxa shirkadda...

Ururka Towfiiq oo soo saaray mowqifkooda ku saabsan doorashada ku celiska ah ee Galmudug

Urur siyaasadeedkaTowfiiq oo ka mid aha ururadii ka qayb...

Ciidamada Koofur Galbeed oo gacanta ku dhigay ninkii dilay Jamaal oo ahaa wiil dhalinyaro ah

Ciidamada amniga maamulka Koofur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay...

Ciidamada Danab oo howlgal ku qabtay xubno k tirsan Al-shabaab

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab,...

Safiirkii Turkiga Alper oo fariin macsalaameyn ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Safiirkii Dowladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, Alper Aktaş, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles