Faransiiska oo dalbaday shir degdeg ah oo Golaha Ammaanka uga hadlo howlgalka Israa’iil ee Lubnaan

Dowladda Faransiiska ayaa codsatay in si degdeg ah loo isugu yeero Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaddib markii ciidamada Israa’iil ay ballaariyeen howlgalladooda dhulka ee koonfurta Lubnaan islamarkaana ay la wareegeen qalcadda taariikhiga ah ee Beaufort Castle.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska, Jean-Noël Barrot, ayaa sheegay in dalkiisu dalbaday kulan degdeg ah oo Golaha Ammaanka ah si looga arrinsado xaaladda sii xumaaneysa ee Lubnaan.

“Waxaan codsaday shir degdeg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ah, sababtoo ah inkasta oo aan aqoonsannahay xaqa Israa’iil ay u leedahay is-difaacidda, sida dal kasta oo kale, haddana wax cudurdaar ah ma jiro oo lagu sii wadi karo howlgalada militari ee Israa’iil ka waddo Lubnaan iyo qabsashada sii fidaysa ee dhulka Lubnaan,” ayuu yiri Barrot oo la hadlay telefishinka BFMTV.

Hadalkan ayaa imanaya xilli xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Lubnaan ay sii kordheyso, iyadoo beesha caalamka ay walaac ka muujineyso ballaarinta howlgalada militari iyo saameynta ay ku yeelan karaan amniga gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hoggaamiyaha sare ee Iiran Mojtaba Khamenei oo amar bixiyey ka dib kulan dhacay

Bogga rasmiga ah ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Jamhuuriyadda...

Q.M oo maanta soo xirtay xafiiskeedii siyaasadeed ee Soomaaliya kaddib 13 sano

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo ah 31-ka Oktoobar 2026...

Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay ciidamo cusub iyo amar culus oo la dul dhigay

Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub oo ka tirsan Guutada...

DFS oo xabsiga dhigtay saraakiishii hoggaaminaysay dagaalkii Jameeco

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil ciidan oo...

Uganda oo ciidamadeeda ka saartay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa la sheegay inay 72-kii saac ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles