Qoraalka uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu si adag u cambaareeyay xarigga iyo tacaddiga loo geystay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud (Xaadoole).
“Nabaddoon Xaadoole oo u kacay difaaca dadka nugul ee la barakiciyey ee ku dhaqan Muqdisho, waxa loo xiray in laga hortago guuxa dadweynaha iyo dadaalka waxgaradka ee ka dhanka ah ku takri-falka hantida danta guud. Arrinkani waxa uu muujinaya in laamaha amniga loo adeegsanayo dano shakhsiyadeed oo gurracan.” ayuu ku yiri qoraalka.
Wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu degdeg u sii daayo Nabaddoon Xaadoole.
Sidoo kale, wuxuu ka digay in cabashooyinka shacabka lagu wajaho xarig iyo caburin.
“Madaxweynaha waxaan ku adkeynayaa in degdeg loo sii daayo Nabaddoon Xaadoole, lagana waantoobo in cabashada iyo codka dadweynaha lagu wajoho caburin iyo xarig, taas oo dhaawacaysa dowladnimada iyo kalsoonida shacabka keeni kartana kacdoon khalkhal galiya xasiloonida dalka.” ayaa sii raaciyay qoraalka.