Booliska oo fariin adag u diray dhalinyarada isku dhiga gaadiidka Isticmaala Wadooyinka

Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay tallaabooyin cusub oo lagu adkeynayo amniga Caasimadda, laguna xakameynayo falalka khatarta ku ah bulshada iyo xasilloonida magaalada.

Shirka toddobaadlaha ah ee Booliska Caasimadda, oo uu shir-guddoomiyay Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Omar Mumin, ayaa looga hadlay qorshayaal lagu wajahayo caqabadaha amniga, gaar ahaan ka hortagga maandooriyaha, falalka anshax-darrada ah iyo dhaqamada dhalinyarada qaarkood ee khatarta ku ah naftooda iyo bulshada.

Taliyaha ayaa faray saraakiisha Booliska in si wadajir ah ay tallaabo uga qaadaan dadka isticmaala iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha, isagoo ku tilmaamay arrintan khatar weyn oo saameyn ku leh mustaqbalka dhalinyarada iyo nabadgelyada guud.

Sidoo kale, Taliye Mahdi ayaa amar ku bixiyay in tallaabo sharci ah laga qaado dadka ku baahiya fariimaha guracan ee baraha bulshada, iyo dhalinyarada si qaldan u adeegsanaya aaladaha bulshada, kuwaas oo duuba muuqaallo ka hor imanaya anshaxa. Waxa uu si gaar ah u xusay dhalinyarada halista ku ah naftooda iyo dadka kale, sida kuwa isku dhiga gaadiidka socda waddooyinka iyo kuwa hubka ku ciyaara.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles