Booliska oo fariin adag u diray dhalinyarada isku dhiga gaadiidka Isticmaala Wadooyinka

Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay tallaabooyin cusub oo lagu adkeynayo amniga Caasimadda, laguna xakameynayo falalka khatarta ku ah bulshada iyo xasilloonida magaalada.

Shirka toddobaadlaha ah ee Booliska Caasimadda, oo uu shir-guddoomiyay Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Omar Mumin, ayaa looga hadlay qorshayaal lagu wajahayo caqabadaha amniga, gaar ahaan ka hortagga maandooriyaha, falalka anshax-darrada ah iyo dhaqamada dhalinyarada qaarkood ee khatarta ku ah naftooda iyo bulshada.

Taliyaha ayaa faray saraakiisha Booliska in si wadajir ah ay tallaabo uga qaadaan dadka isticmaala iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha, isagoo ku tilmaamay arrintan khatar weyn oo saameyn ku leh mustaqbalka dhalinyarada iyo nabadgelyada guud.

Sidoo kale, Taliye Mahdi ayaa amar ku bixiyay in tallaabo sharci ah laga qaado dadka ku baahiya fariimaha guracan ee baraha bulshada, iyo dhalinyarada si qaldan u adeegsanaya aaladaha bulshada, kuwaas oo duuba muuqaallo ka hor imanaya anshaxa. Waxa uu si gaar ah u xusay dhalinyarada halista ku ah naftooda iyo dadka kale, sida kuwa isku dhiga gaadiidka socda waddooyinka iyo kuwa hubka ku ciyaara.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles