Farmaajo oo dalbaday in la sii daayo Nabadoon Xaadoole oo ay xireen Booliska

Qoraalka uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu si adag u cambaareeyay xarigga iyo tacaddiga loo geystay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud (Xaadoole).

“Nabaddoon Xaadoole oo u kacay difaaca dadka nugul ee la barakiciyey ee ku dhaqan Muqdisho, waxa loo xiray in laga hortago guuxa dadweynaha iyo dadaalka waxgaradka ee ka dhanka ah ku takri-falka hantida danta guud. Arrinkani waxa uu muujinaya in laamaha amniga loo adeegsanayo dano shakhsiyadeed oo gurracan.” ayuu ku yiri qoraalka.

Wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu degdeg u sii daayo Nabaddoon Xaadoole.

Sidoo kale, wuxuu ka digay in cabashooyinka shacabka lagu wajaho xarig iyo caburin.

“Madaxweynaha waxaan ku adkeynayaa in degdeg loo sii daayo Nabaddoon Xaadoole, lagana waantoobo in cabashada iyo codka dadweynaha lagu wajoho caburin iyo xarig, taas oo dhaawacaysa dowladnimada iyo kalsoonida shacabka keeni kartana kacdoon khalkhal galiya xasiloonida dalka.” ayaa sii raaciyay qoraalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles