Tuesday, December 23, 2025

Farmaajo oo ka digay muddo kororsi, doorasho hal dhinac ah iyo eedeyn uu jeediyay MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo si gaar ah diiradda u saaray arrimaha doorashooyinka, wax ka beddelka dastuurka iyo xaaladda guud ee amniga.

Farmaajo ayaa si cad u sheegay in uu ka soo horjeedo isla markaana ka digayo muddo kororsi aan sharciyad haysan oo loo sameeyo hay’adaha Dowladda Federaalka, doorasho hal dhinac ah iyo in dalka lagu hoggaamiyo xaalad keeni karta in la iska garab dhiso laba dowladood oo labo dastuur kala wata.

Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay hoggaanka talada haya in ay ka laabtaan wax ka beddelka dastuurka, islamarkaana ay oggolaadaan in arrimaha masiiriga ah loo maro waddo sharci ah oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada kala duwan ee Soomaalida. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in wadada kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka taagan ay tahay wadahadal iyo is-qancin, isaga oo sheegay in uu soo dhoweynayo cid kasta oo dadaal u gelineysa xal u helidda ismari-waaga jira.

Farmaajo ayaa ka hadlay xaaladda Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo sheegay in ciidanka lagu geliyay dagaallo aan lahayn qorshe iyo istaraatiijiyad cad, taas oo uu tilmaamay in ay sababtay burbur ku yimid awoodda ciidanka iyo in kooxaha argagixisadu dib u qabsadaan deegaanno horey dhiig badan loogu huray xoreyntooda.

“Waxaan aad uga xumahay burburkii ku yimid Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu geliyay dagaallo aan qorshe iyo istaraatiijiyad laga fiirsan, taasoo keentay in argagixisadu sii xoogeysato. Waxaa sidoo kale niyad jab iyo habacsanaan ku reebay ciidanka eexda iyo caddaalad darrada ka dhalatay siyaasadda qorista iyo dalacsiinta,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada in ay si wadajir ah ugu istaagaan gurmad degdeg ah oo wax looga qabanayo abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka, kuwaas oo saameyn ba’an ku yeeshay nolosha dadka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Baarlamaanka oo Ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka 2026 iyo xildhibaano ka horyimid

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya (BJFS) ayaa...

Qaramada Midoobay: Malaayiin Soomaali ah ayaa la dhibaataysan abaaro baahsan

In ka badan 4.6 milyan oo qof oo ku...

Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Gaalkacyo

Magaalada Galkacyo ayaa xalay waxaa ka dhacay dhacdo murugo...

Booliska oo qabtay askar hubeysan oo hub ku dhex watay caasimada Muqdisho

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliska Caasimadda, Saldhigga Bartamaha,...

Trump oo xilalka safiirnimo ka qaaday ku dhawaad 30 dublamaasiyiin ah oo uu jiro safiirka Soomaaliya

Maamulka Trump ayaa dib ugu yeeraya ku dhawaad ​​30...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles