Tuesday, April 7, 2026

Farmaajo oo ku soo wajahan Muqdisho iyo loolan siyaasadeed uu ka bilaabayo G/Banaadir

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in uu Berri oo Khamiis ah dib ugu soo laabtomagaalada Muqdisho, kaddib muddo saddex sano ka badan oo uu deganaa dalka Qatar.

Soo laabashadiisa oo muddo dib u dhac ku yimid ayaa imaaneysa isagoo maalmihii la soo ku sugnaa dalka Turkiga, halkaas oo uu wadahadallo kulalahaa kooxdiisa iyo siyaasiyiin kala duwan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Turkiga kaga qeyb galay kulamo siyaasadeed iyo la-tashi heer sare ah oo la xiriira xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan isbeddellada siyaasadeed ee socda, doorashooyinka soo socda, iyo xiriirka xulafada dibadda.

Imaanshaha Farmaajo ee Muqdisho ayaa loo arkaa mid qayb ka ah dib u bilaabashada ololihiisa doorasho iyo uu dib u dhiska xiriirkiisa gudaha iyo dibadda.

Farmaajo ayaa Muqdisho ka bilaabi doona kulamo siyaasadeed iyo wadatashiyo uu la yeelan doono madaxda mucaaradka, xildhibaano, iyo aqoonyahanno taageersan aragtidiisa siyaasadeed.

Dhanka kale, wararka laga helayo Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu magacaabayo guddi gaar ah oo wasiiro ah, kuwaas oo loo xil saari doono soo dhaweynta iyo la kulanka Farmaajo.

Tallaabadan ayaa loo arkaa isu soo dhowaanshaha Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo hardan adag ku dhex maray doorashadii ugu danbeysay ee May 2022. Farmaajo ayaan xilligan lahayn isbaheysi xoog leh oo siyaasadeed, wuxuuna qaatay siyaasad dhexdhexaad ah, isagoo diiday inuu u biiro Madasha Mucaaradka ee Sheekh Shariif, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Lama oga waxa imaanshaha Farmaajo ka bedeli karto xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo dad badan ay indhaha ku hayaan xiriirka uu la yeelan doono Villa Soomaaliya, iyo sida ay u saameyn karto miisaanka mucaaradka.

Soo laabashada Madaxweyne Farmaajo waxay imaaneysaa xilli uu soo baxay isbaheysiga uu hoggaaminayo Musharax Madaxweyne Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay saami wadaag yihiin Farmaajo, kaasoo culeys ku ah ololaha doorashadiisa.

Soomaaliya ayaa xilligan wajahaysa loolan doorasho iyo isbaheysiyo siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, iyadoo aan weli lagu heshiin hanaan doorasho, Waxaana sii kordahya oodaha ku saabsan doorashooyinka soo socda, iyo isqabqabsi xooggan oo ka jira gudaha dowladda iyo mucaaradka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday G/Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Qaranka, oo...

DFS oo war ka soo saartay shidaal qodista ka bilaabanaysa dalka

Wasiiru dowladaha Xukuumadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa qoraal uu...

Khasaare ka dhashay gantaallo ay Iraan ku weerartay Israa’iil

Iiraan ayaa labo gantaal ku garaacday magaalooyin ku yaala...

Wasiirka Tamarta Turkiga oo ku soo wajahan Muqdisho

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Alparslan Bayraktar...

Mareykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyayaal oo ka wada hadlaya xabad joojin

Warbaahinta Axios ee Mareykanka ayaa soo xigatay afar ilo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles