Thursday, March 26, 2026

Farmaajo oo si adag ugu hadlay xariga Taliye Shub iyo eedeyn uu u jeediyay MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray si kulul uga hadlay xarigga iyo tacaddiga lagu eedeeyay in loo geystay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Farmaajo ayaa sheegay in ciidamada lagu dul-dhigay hoyga taliyaha ee magaalada Muqdisho isla markaana laga qaaday xorriyaddiisa ay tahay “fal cad oo aargoosi siyaasadeed ah”, isagoo intaas ku daray in arrintan ay muujineyso in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qaaday waddo uu ku tilmaamay mid u eg kali-talisnimo.

Sidoo kale, Farmaajo wuxuu ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh inay si gaar ah u beegsaneyso wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ka soo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaas oo uu sheegay inay taageersan yihiin qabsoomidda doorashooyinka deegaankooda.

Wuxuu arrintan ku tilmaamay mid muujineysa in Madaxweynaha uu ka leexday rabitaanka shacabka.

Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay dowladda in si degdeg ah loo sii daayo Taliyaha la xiray, isagoo sidoo kale uga digay Madaxweyne Xasan Sheekh ku takri-falka awoodda iyo tallaabooyin uu sheegay inay halis gelin karaan dowladnimada dalka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamullada dalka, gaar ahaan Koofur Galbeed, kuwaas oo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo maamulka awoodaha dowladda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur galbeed oo shaacisay Jadwalka doorashada ee Baarlamaanka

Guddiga Madax-bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Dowladda Koonfur Galbeed...

RW Xamsa oo xilkii ka qaaday wasiiro dhawaan is casilay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalkii...

Xisbiga MW Hore Sheekh Shariif oo cambaareeyay xarigga Taliyihii Asluubta

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee...

Uganda oo ka hadashay suurta-galnimada inay ku biirto dagaalka Bariga Dhexe

Dowladda Uganda ayaa ka hadashay suurtagalnimada inay ku biirto...

Doon laga leeyahay Iiraan oo lagu weeraray xeebaha Soomaaliya

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya doon laga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles