Haweeney Soomaali ah oo lagu eedeeyay Musuq maasuq oo lagu xiray Australia

Haweeney ka soo jeedda Soomaaliya oo lagu magacaabo Istarlin Hassan, da’deeduna tahay 55 sano, ayaa lagu xiray magaalada Melbourne kadib markii lagu eedeeyay inay hoggaaminaysay shabakad lagu lunsaday lacag dhan $800,000 oo ka timid canshuur-bixiyeyaasha.

Maxkamad ku taalla Australia ayaa sheegtay in haweeneydan ay maamuli jirtay xarumo daryeel carruur oo aan sharciyeysneyn, isla markaana ay sameyn jirtay sheegashooyin been abuur ah oo ku saabsan barnaamijka National Disability Insurance Scheme (NDIS), kaas oo loogu talagalay in lagu taageero dadka naafada ah.

Warbixinnada ayaa sidoo kale tilmaamaya inay si gaar ah u leexisay lacago loogu talagalay cunuggeeda naafo ah, iyadoo ku bixisay arrimo shakhsiyeed sida iibsashada guri iyo shaqaaleysiinta shaqaale guri.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in nin ay xiriir lahaayeen oo qaxooti Kurdish ah uu horey xabsi ugu jiray doorkiisa la xiriira falalkan.

Kiiskan ayaa mar kale iftiimiyay walaacyada sii kordhaya ee ku saabsan nidaamka NDIS, iyadoo mas’uuliyiin iyo falanqeeyayaal ay sheegayaan in barnaamijkan uu wajahayo khiyaanooyin lacageed oo ballaaran oo lagu qiyaaso balaayiin doolar sanad kasta.

Dowladda Australia ayaa sheegtay inay xoojineyso tallaabooyinka lagu ilaalinayo barnaamijyada daryeelka bulshada, si loo hubiyo in gargaarka uu gaaro dadka xaqa u leh, isla markaana looga hortago musuqmaasuqa.

Waxaa xusid mudan in haweeneydan sanadkii 2014 laga mamnuucay inay ka qayb qaadato barnaamijyada taageerada dadka naafada ah, arrintaas oo hadda qeyb ka noqotay eedeymaha culus ee loo haysto.

WARARKII KALE

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta...

Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Muqdisho

Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed...

Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka wadahadleen

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka...

Danjiraha Turkiga iyo Waare oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles