Wednesday, October 22, 2025

Fiqi oo beeniyay in DF ay ciidamo geynayso Sanaag

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo saaray ku beeniyay wararka sheegaya in DF ay qorsheyneyso inay Ciidamo geyso gobolka Sanaag.

Wasiirka Gaashaan-dhigga XFS Axmed Mucalim Fiqi oo ka hadlay arrintaasi ayaa yiri “Waxaan caddaynaynaa in Dawlad Federaalka ah aysan ciidan geyn Gobolka Sanaag iyo Sool, sabab loo geeyana aysan muuqan. Shakhsiyaadka dawladda Federaalka ku eedaynaya arrintaasna wax caddayn ah oo ay soo bandhigeen ma jirto oo aan ahayn eed caalwaa ah oo ay ka muuqato in taag iyo tabar ay ku hor istaagaan ay u waayeen rabitaanka dadka deegaanadaas.

Ismana qabato Xamar ayay dawladdu xukumi wayday iyo Sanaag ayay ciidan geysay, sidoo kale waxaan isqabanayn Dawladda Soomaaliya nidaamka Federaalka ah ayay cadow ku tahay oo burburinaysaa iyo in haddana lagu eedeeyo dawlad goboleed cusub ayay dhisaysaa.

Nidaamka Federaalka ah waa nidaam dalku qaatay oo dastuuri ah, hirgelintiisa iyo dhowristiisuna cid walba ay ku tahay waajib.

 

WARARKII KALE

WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza

Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza...

Fadhigii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka dad shacab ah ku dilay...

Al-shabaab oo xalay dagaal ku qaaday Xudur iyo xubno lagu dilay dagaalka

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku...

Dibadbaxayaal weeraray booliiska dalka Ireland

Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles