Ganacsade Maxamed Jabuutaawi ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii dhawaan laga reebay doorashada Madaxweynaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya.
Jabuutaawi ayaa lagu eedeeyay inuu ka hor yimid maamulka cusub, iyadoo xadhiggiisa ay fuliyeen qaar ka mid ah isimada dhaqanka deegaanka, kuwaas oo ku wareejiyay ciidamada booliska.
Jabuutaawi ayey Maxkamadda Sool u jartay Warqad soo qabasho ah, waxaana in Xabsiga la dhigo ka shaqeeyay Isimada dhaqanka beesha Jaamac Siyaad oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo geeyay saldhiga, kuna wareejiyeen Ciidamada Booliska.
Ninkan ayaa ku eedaysan inuu ka dambeeyay falal lidi ku ah amniga oo magaalada Laascanood ka dhacay oo dhaliyay dhimasho iyo Dhaawac.


