Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Baarlamaanka Federaalka, Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo guddiyada dastuurka ka dalbaday inay ka jawaabaan dacwad ka dhan ah Dastuurka cusub ee dalka, taas oo uu Maxkamadda Sare u gudbiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.
Warqad rasmi ah oo uu Xafiiska Garyaqaanka Guud soo saaray 17-kii Oktoobar 2026, kuna socota mas’uuliyiinta dowladda, ayaa lagu sheegay in Maxkamadda Sare ay soo gaarsiisay dacwadda lambarkeedu yahay MS/DST/1/2026, taas oo la xiriirta dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka Dastuurka.
Dacwadda ayaa lagu sheegay inay ka dhan tahay Shariif Sheekh Axmed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka.
Xafiiska Garyaqaanka Guud ayaa mas’uuliyiinta ay warqaddu ku socoto ka codsaday inay soo gudbiyaan warbixinnadooda iyo habraacyada sharci ee ay u marayaan dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka Dastuurka, si loogu diyaariyo jawaabta rasmiga ah ee dowladda ee Maxkamadda Sare.
Sidoo kale, warqaddu waxay faraysaa in jawaabaha iyo dukumentiyada la xiriira arrintan loo soo gudbiyo Xafiiska Garyaqaanka Guud ugu dambayn 20-ka Oktoobar 2026, saacadda 2:00 duhurnimo, si jawaabta dacwadda loogu diyaariyo Maxkamadda Sare ka hor 22-ka Oktoobar 2026.
Tallaabadan ayaa muujinaysa in muranka dastuurka Soomaaliya uu galay marxalad sharci, iyadoo dhinacyada isku haya hannaanka wax-ka-beddelka Dastuurka ay hadda wajahayaan dood ka socota hay’adaha garsoorka.
Shariif Sheekh Axmed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee uu hoggaamiyo ayaa muddooyinkii dambe ka horyimid hannaanka wax-ka-beddelka Dastuurka iyo tallaabooyinka dowladda ee la xiriira arrintan. Gudbinta dacwaddan ayaa noqonaysa waddo kale oo sharci ah oo lagu wajahayo muranka siyaasadeed ee dalka ka taagan.
Go’aanka kama dambaysta ah ee arrintan waxaa laga sugayaa Maxkamadda Sare ee dalka, taas oo la filayo inay dhageysato doodaha dhinacyada ay khusayso.


