Wednesday, March 12, 2025

Gen Odawaa iyo Guddoomiye Shuute oo abaabul culus ka wada G/Sh/Dhexe.

Kadib markii maleshiyaadka Al-shjabaab ay weerar ku qaaday deegaano ka tirsan G/Shabeelada Dhexe, waxaa dib u bilowday abaabul dagal iyo diyaar garow ciidan oo si xowle ah ugu ugu socda gobolkaasi, kaasi oo ay wadaan Taliyaha ciidamada xoogga Gen Odawaa Yuusuf Raagge iyo Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo madax ka tirsan Hirshabelle.

Qorshaha Gen Odaawaa iyo Guddoomiye Shuute iyo madaxda Hirshabelle ayaa ah in maleeshiyada Al-Shabaab laga saaro deegaanada ay ka maamulaan gobolka Shabeelada dhexe, iyo siddii deegaanada Hirshabelle looga saari lahaa kooxda.

Saraakiishan ayaa kulamo aan joogsi laheyn ka wada Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaa ayna si gooni gooni ula kulmayaan ciidamada macawiisleyda, kuwaasi oo markan la doonayo in dib boorka looga jafo, waxaana ciidankan iyo kuwa dowladda looga tala galay sidii ay maleeshiyada uga saari lahaayeen deegaanada istiraatiijiga ah ee ku yaala gobolka shabeelada Dhexe.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegaya in hub iyo rasaasba uu gaarsiiyay ciidanka macawiisleyda eek u sugan Gobolka Shabeelada dhexe,,

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelihii lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, wajigii koowaad ee dagaalka, waxaana ay haatan meelo yar kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, inkastoo maalmihii u dambeeyay ay hakad galeen howlgalladii ay hormuudka u ahayd dowladda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Madaxweynihii hore ee Filibiin, Rodrigo Duterte oo la xiray – Maxaa lagu haystaa

Madaxweynihii hore ee Filibiin, Rodrigo Duterte, ayaa Talaadada maanta...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 11/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday askar ku soo dhaawacanta hawlgalka Khawaarijta ka dhanka ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddiga madax bannaan ee doorashooyinka oo shahaado guddoonsiiyay ururka midowga Soomaaliya

Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Imaaraadka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha hirshabeelle oo si adag u cambaareeyay weerarkii argagixisada ee ka dhacay Beledweyne

Madaxweynaha Hirshabeelle  Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ugu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles