Sunday, March 1, 2026

Golaha ammaanka ee Q.M oo shir deg deg maanta ka yeelanaya aqoonsiga Somaliland ee Israaiil

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeelanaya New York, kaddib codsi degdeg ah oo ay gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagaga arrinsanayo go’aanka ay Israa’iil ku shaacisay aqoonsiga Somaliland.

Kulankan oo la filayo inuu qabsoomo saacadaha dambe ee maanta oo Isniin ah, ayaa diiradda lagu saari doonaa saameynta siyaasadeed, sharci iyo midda amni ee ka dhalatay tallaabada Israa’iil, taas oo Dowladda Soomaaliya ku tilmaantay mid aan marna la aqbali karin, kuna xadgudbaysa qawaaniinta caalamiga ah, heshiisyada iyo mabaa’diida ay ku dhisan tahay Qaramada Midoobay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo xilligan xubin ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa si adag uga hor timid aqoonsigaasi, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu horey u sheegay in tallaabada Israa’iil ay tahay “gef iyo gardarro cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah,” sida uu ka sheegay khudbad uu ka jeediyay labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka maanta waxaa ka qeyb galaya dhammaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, waxaana la filayaa in doodo adag ay dhex maraan Soomaaliya iyo Israa’iil.

Sidoo kale, dalal xubno ka ah Golaha Ammaanka oo ay ka mid yihiin Pakistan iyo Algeria ayaa si cad u muujiyay taageeradooda mowqifka Soomaaliya, iyagoo cambaareeyay tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

Kulankan degdegga ah ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan falcelinta caalamiga ah ee ku aaddan aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyadoo walaac laga muujinayo saameynta uu go’aankani ku yeelan karo xasilloonida, midnimada dhuleed iyo amniga guud ee gobolka Geeska Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles