Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay MW Jabuuti

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyaddan aan walaalaha nahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay wada-tashiga iyo isku-duwidda dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay mowqifta dalalka walaalaha iyo saaxiibka ah ee ka soo horjeestay kala qeybinta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka walaaltinimo iyo hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan garab-istaagga Soomaaliya, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada-tashiga diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, si loo ilaaliyo xasilloonida Gobolka iyo mabaa’diida aasaasiga ah ee hagaya xiriirka dowladaha.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa go’aankeeda adag ee ah ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaranka, iyadoo ku kalsoon garab-istaagga iyo wadajirka dalalka Gobolka.

 

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles