Saturday, December 13, 2025

Golaha ammaanka oo shir degdeg ah ka yeelnaya diyaaradihii Ruushka ee Poland soo ridday

Codsi ka yimid Poland awgiis, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaban doona kulan degdeg ah si ay uga wada hadlaan ku xadgudubka Ruushka ee hawada Poland, sida lagu sheegay warbixin ay bahaisay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Poland.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii habeenimadii xalay ay Warsaw, oo ay taageerayaan xulafada NATO, ay soo rideen dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Ruushku leeyahay kuwaas oo ku xadgudbay hawadooda Arbacadii.

Maalinta weerarka, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka waxay sheegtay in aysan qorshayn weerar kasta oo lagu beegsanayo Poland, kadib markii Warsaw ay sheegtay in 19 diyaaradood oo drones ah oo Ruushku leeyahya ay galeen hawadeeda inta lagu guda jiray weerar habeen ah oo ka dhacay galbeedka Ukraine.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka sidoo kale waxay sheegtay in Poland ay faafinayso “sheekooyin been ah” oo ku saabsan weerarada diyaaradaha si ay “u kiciso colaadda Ukraine.” Si kastaba ha ahaatee, waxaan diyaar u nahay inaan wadahadal la yeelano Wasaaradda Difaaca ee Poland”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Ruushka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wiil dhalinyaro oo lagu dilay Dhuusamareeb iyo ciidanka oo howlgal wada

Koox hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa xalay...

Kulamo siyaasadeed oo ka dhacay Muqdisho

Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa xalay kulamo siyaasadeed...

Guddiga doorashooyinka oo shaaciyay liiska Musharixiinta Golaha deegaanka

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Maraykanka oo cunaqatayn ku soo rogay lix markab oo kale kadib kii ay ku qabteen Venezuela

Mareykanka ayaa cunaqabateyn cusub ku soo rogay lix markab...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles