Thursday, July 31, 2025

Golaha Ammaanka Q.M oo ka shiraya siddii taageero dhaqaale loo heli lahaa ciidamada AUSSOM

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu 15-ka bishan May yeesho kulan gaar ah oo lagu gorfeynayo sidii loo heli lahaa taageero dhaqaale oo joogto ah oo la siiyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo howlgal ka wada gudaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagu soo beegay xilli ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan in sanduuqa Qaramada Midoobay laga maalgeliyo howlgalka AUSSOM, halkii ay si toos ah ugu yaboohi lahaayeen dalalka reer galbeedka.

Dowladda Mareykanka ayaa  diiday in ay taageerto qaraarka la filayo in golaha ammaanka la horgeeyo 15-ka bishan May. Qaraarkan ayaa ujeedkiisu yahay in miisaaniyadda ku baxeysa ciidanka AUSSOM lagu maalgeliyo sanduuqa Qaramada Midoobay, si loo helo dhaqaale deggan oo joogto ah.

Midowga Yurub ayaa ballan qaaday in ay bixiyaan $60 milyan oo kamid ah $120 milyan ee guud ahaan loo baahan yahay si loo maalgeliyo hawlgalka AUSSOM ee afarta sano ee soo socota. Waxaa sidoo kale la soo jeediyay in shirweyne caalami ah oo lagu qabanayo dalka Qatar lagu abaabulo, si loogu helo taageero dhaqaale oo dheeri ah.

Waxaa la filayaa in kulanka Golaha Ammaanka ee 15-ka May uu noqdo mid go’aanno muhiim ah ka soo baxaan, balse waxa muuqata in khilaafka u dhexeeya waddamada waaweyn ee xubnaha joogtada ka ah Golaha Ammaanka, sida Mareykanka, uu caqabad ku noqon karo qorshaha lagu taageerayo ciidamada AUSSOM ee Soomaaliya

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles