Mareykanka iyo Shiinaha oo wada hadlaya xiisada u dhexeysa

Dagaalka ganacsiga ee Maraykanka iyo Shiinaha ayaa laga yaabaa inuu hakad galo, iyadoo labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan dunida ay wada-hadallo uga billaaban doonaan Switzerland.

Saraakiisha sarsare ee ganacsiga labada dhinac ayaa ku kulmi doona maantay oo Sabti ah kulankii ugu horeeyay ee heer sare ah tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Shiinaha ku soo rogay canshuur bishii Janaayo.

Beijing ayaa markiiba ka falcelisay, waxana arintaasi ka dhashay ismariwaa xooggan oo labada dal uu midba midka kale ku soo rogay canshuuro. Canshuuraha cusub ee Mareykanka uu ku soo rogay badeecadaha Shiinaha uu soo dejiyo ayaa gaaraya 145%, qaar ka mid ah waxyaabaha uu Mareykanka u dhoofiyo Shiinaha ayaa wajahaya canshuur dhan 125%.

Waxaa jiray toddobaadyo dag, mararka qaarkoodna xamaasad leh, halkaas oo qolo kastaaba ay doneysay in ay tan kale u sawirto xaalad quus ah.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Muqdisho oo maanta martigelineysa Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka furmaya Shirweynaha Madasha...

Xisbiga garabka fog ee Jarmalka oo guul weyn ka gaaray gobolka bariga

Xisbiga AfD ee Jarmalka ayaa guul weyn ka gaaray...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Gedo:’Muxuu daaran yahay Safarka Taliyaha Ciidanka Lugta ee ku tagay Baardheere?

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka...

Soomaaliya oo si adag u Cambaareysay soo noqoshada Burcad-badeedda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay soo...

DFS oo shaacisay magacyada xubnihii Al-shabaab ee lagu dilay Howlgalkii Buula-Fulaay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles