Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo kulamo siyaasadeed ka wada Muqdisho

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maalmahan kulamo siyaasadeed muhiim ah ka wada Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada sii xoojinaya iskaashiga u dhexeeya maamulka SSC-Khaatumo iyo hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoggaamiyaha ayaa kulan is xogwaraysi ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray xiriirka diblomaasiyadeed ee dalka, kaalinta SSC-Khaatumo ee dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta dalka, iyo sidii maamulka SSC-Khaatumo loogu dari lahaa istaraatiijiyadaha iskaashi ee caalamiga ah.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa hoygiisa ku qaabilay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax, iyo Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf “Alcaddaala”. Waxaa sidoo kale kulanka ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya – Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka SSC-Khaatumo uu ku doonayo in uu ku xoojiyo wada shaqeynta iyo wadatashiga siyaasadeed ee ay la leeyahay Dowladda Federaalka, si loo xaqiijiyo nabad, horumar iyo dowladnimo loo dhan yahay.

Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyay madaxda dowladda sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, si gaar ah arrimaha la xiriira adeegyada bulshada, nabadgelyada, iyo xaqiijinta matalaadda shacabka SSC-Khaatumo.

WARARKII KALE

DFS oo ballanqaadday in dib loo dhisi doono buundada Baardheere

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal...

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay duleedka Afmadow

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay duleedka...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta oo Qaahira ku shiraya

Waxaa maanta magaalada Qaahira ka furmaya shirka Wasiirrada Arrimaha...

Wada-hadallo lagu mideynayo mucaaradka oo u socda Deni, Farmaajo, Khayre, Cumar Cabdirashiid iyo CCW

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wada-hadallo hoose ay...

DFS oo raalligelin ka Bixisay dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax...

Iran oo digniin u dirtay Mareykanka

Afhayeen u hadlay Taliska Sare ee Khatam al-Anbiya ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles