Friday, November 14, 2025

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay duleedka degmada Cadale

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Koogaar (oo sidoo kale loo yaqaan Burdheere) ee degmada Cadalle ayaa sheegaya in saaka waaberigii ay maleeshiyaad hubeysan dileen laba qof oo shacab ah, kuwaasoo midkood ka shaqeynayay shir isgaarsiineed oo ku taala  deegaanka, halka midka kale uu ka shaqeynayay ceel-biyood ku yaalla isla deegaankaasi.

Goob-joogayaal ku sugan Koogaar ayaa xaqiijiyay in ragga dilka geystay ay kasoo jeedaan isla degmada Cadalle, ayna goobta ka baxsadeen kadib marka ay fuliyeen falkaasi dilka ah. Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in ay cabsi ka qabaan in uu hurin karo xiisad beeleed.

Labada Qof ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Fanax Macalin Xabeeb iyo Muxudiin Caraale.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhowr maalmood ka hor isla duleedka degmada Cadalle lagu dilay darawal waday gaari noha ah, kaasoo la sheegay in ay toogteen maleeshiyaad hubeysan oo iyaguna kasoo jeeda Cadalle. Falkaas ayaa sidoo kale abuuray walaac iyo cabsi xooggan oo ku wajahay dadka shacabka ah.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Cadalle ama hay’adaha ammaanka ee heer gobol iyo heer federaal oo ku saabsan dhacdooyinkan is-daba-joogga ah ee dilalka loo geysanayo shacabka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Bandhigga Todobaadka Nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

Qaar kamid ah maamulka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Mareykanka oo ku baaqay in la joojiyo hubka loo gudbinayo RSF

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa ku...

Booliska oo faah-faahin ka bixiyay dilkii Gaalkacyo loogu gaystay gabadh yar

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka...

Xamas oo si tartiib tartiib ah ula wareegaysa Qasa

Xamaas ayaa kordhinaysa la wareegidda maamulka Gaza oo muddooyiinkii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles