Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay duleedka degmada Cadale

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Koogaar (oo sidoo kale loo yaqaan Burdheere) ee degmada Cadalle ayaa sheegaya in saaka waaberigii ay maleeshiyaad hubeysan dileen laba qof oo shacab ah, kuwaasoo midkood ka shaqeynayay shir isgaarsiineed oo ku taala  deegaanka, halka midka kale uu ka shaqeynayay ceel-biyood ku yaalla isla deegaankaasi.

Goob-joogayaal ku sugan Koogaar ayaa xaqiijiyay in ragga dilka geystay ay kasoo jeedaan isla degmada Cadalle, ayna goobta ka baxsadeen kadib marka ay fuliyeen falkaasi dilka ah. Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in ay cabsi ka qabaan in uu hurin karo xiisad beeleed.

Labada Qof ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Fanax Macalin Xabeeb iyo Muxudiin Caraale.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhowr maalmood ka hor isla duleedka degmada Cadalle lagu dilay darawal waday gaari noha ah, kaasoo la sheegay in ay toogteen maleeshiyaad hubeysan oo iyaguna kasoo jeeda Cadalle. Falkaas ayaa sidoo kale abuuray walaac iyo cabsi xooggan oo ku wajahay dadka shacabka ah.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Cadalle ama hay’adaha ammaanka ee heer gobol iyo heer federaal oo ku saabsan dhacdooyinkan is-daba-joogga ah ee dilalka loo geysanayo shacabka.

WARARKII KALE

DFS oo ballanqaadday in dib loo dhisi doono buundada Baardheere

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal...

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay duleedka Afmadow

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay duleedka...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta oo Qaahira ku shiraya

Waxaa maanta magaalada Qaahira ka furmaya shirka Wasiirrada Arrimaha...

Wada-hadallo lagu mideynayo mucaaradka oo u socda Deni, Farmaajo, Khayre, Cumar Cabdirashiid iyo CCW

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wada-hadallo hoose ay...

DFS oo raalligelin ka Bixisay dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax...

Iran oo digniin u dirtay Mareykanka

Afhayeen u hadlay Taliska Sare ee Khatam al-Anbiya ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles