Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Jubaland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah oo ay kamid yihiin arrimaha amniga iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka.
Intii uu kulanku socday, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan mashaariicda biyo-gelinta, iskaashiga iyo horumarinta adeegyada biyaha iyo korontada Jubaland, iyadoo sidoo kale faahfaahin ka bixisay ololaha lagu daweynayo ceelasha biyaha.
Dhanka kale, Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa Golaha horgeysay Xeerka Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka Jubaland, kaas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo nidaamka iyo xirfadlayaasha caafimaadka ee Jubaland.


